8 Adeeg oo lacag la’aan ah aad uga faaideysan karto Twitter ka.

1.  Isticmaal TweetDeck si aad u kala habeeso Posts kaaga/Tweets kaaga.

tweetdeck

Waxaa Laga yaabaa inaad leedahay followers badan oo markasta kaa sugaya inaad wax soo dhigto, laga yaabee inaadan adiga waqtigaas heynin oo saacad kasta aad wax ku qorto. Waxaa kuugu haboon Inaad isticmaasho adeegaan tweetdeck adigoo uga faaideysanaya inaad hal mar qorto waxaaga oo dhan kadibna aad u sheegto waqtiyadda uu soo dhigi lahaa timeline kaaga.

Halkaan ayaad ka isticmaali kartaa adeega

2. Isticmaal IFTTT si tweets kaaga aad ula wadaagto apps kale.

Isticmaalidda IFTTT waxey kuu sahleysaa inaad qorto tweet/post kaaga kadibna inta aad markasto share dhihi laheyd waxaad ku xireysaa IFTTT account kaaga sidoo kalena waxaad u sheegeysaa imisa application uu la wadaagayaa tweet kaaga.

Halkaan ayaad ka isticmaali kartaa adeegaan

3. Isticmaal Rite Tag adeegaan.

rite tag

Adeegaan waxuu kaa saacidayaa inaad ogaato #Hashtags ka jiro oo markaasna mowduuca aad ka hadleyso ku saabsan. Kaliya waxaad ku qoreysaa qeybta raadinta mowduucaga waxuu ku saabsan yaahy, asaga ayaa kusiin doono Hashtags ka badanaa la isticmaalayo si ey u gaarto fariintaada dadyow badan.

Halkaan ayaad ka isticmaali kartaa adeegaan

4. Isticmaal adeega Twitter Analytics.

Adeegaan waxuu kaa saacidayaa inaad ogaato tweets/posts kaaga kee ugu saameynta badnaa, kee dadka badanaa xiisa galiyay, imisa mar ayaa la gujiyay/dhuftay farta si loo sii arko iyo in badan.

Halkaan ayaad ka isticmaali kartaa adeegaan

5. Isticmaal Website ka Pablo.

pablo

Mararka qaar waxaa laga yaabaa in sawirka aad isticmaaleyso aadan xaq u laheyn isticmaal koodana, haddii laguugu arkana laga yaabe dacwad in lagaa gudbiyo. Si aad uga bad baado isticmaal Pablo oo kaa saacidi doono inaad sawiradaada habeysato si fudud wali qof kastana uu fahmi karo kadibna aad la wadaagto asxaabtaaada.

Halkaan ayaad ka isticmaali kartaa adeegaan

6. Isticmaal Adeega The Hash

Adeegaan si fudud ayuu kaa saacidi doonaa inaad ogaato Hashtags aduunka ka socdo, kadibna aad la falgasho aadna ogaato waxa markaas aduunka uu ka hadlaayo.

Halkaan ayaad ka isticmaali kartaa adeegaan

7. Isticmaal adeega TrendsMap 

trends

Isticmaalidda adeegaan waxey kaa saacideysaa inaad ogaato Hashtags aduunka ka socdo wadan ka ey kasoo baxayaan sidoo kalena dadka badanaa wax soo qoro dalalka ey joogaan asagoo ku tusaayo Khariidadda aduunka.

Halkaan ayaad ka isticmaali kartaa adeegaan

8.  Isticmaal adeega la dhaho Who Tweeted It First si aad u hesho qofkii koowaad oo soo qoray tweet ka.

mararka qaar ayaa dhici karta in la copy gareeyo dad kale waxey soo qoreyn haddana qofka uu iska dhigo inuu asaga soo qoray. Waxaad ku ogaan kartaa adeegaan ruuxii koowaad oo soo qoray tweets/posts ka.

Halkaan ayaad ka isticmaali kartaa adeegaan

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s