Waa maxay farqiga u dhaxeeya Systems ka jira dunidda!!!

Sidaan wada ognahay waxaa Jiro dhowr system uu ku soo kaco computer ka. Maanta waxaan wax yar ka sheegi doonaa wax yar oo ku saabsan 3da ugu waaweyn oo laisticmaalo.

windows-10

Haddii aan ku bilowno system ka caanka ah oo badan keena isticmaalo Windows, Waa system ama Operating System sida loo yaqaan oo leh shirkadda Microsoft. Windows ma aha mid lacag la’aan ah oo waa lacag lahaanshahisa, waxaana isticmaalo dadka iska caadiga ah oo computer ka u isticmaalo si maalinle ah.

Windows waxuu ku caan baxay qeybihiisa kala duwan sida, Windows Vista, Windows XP, Windows 7, Windows 8 iyo kan hadda ugu danbeeyo oo Windows 10 ah. Nooc kasta aan soo carabaabnay waxaa ku jira ama laga helay dhibaatooyin taasoo keentay in laga badasho oo nooc kale la soo sameeyo.

Sidoo kale waxaa Jiro 2 nooc oo kala ah Windows Client iyo Windows Server. badanaa anaka waxaan isticmaalna kan hore, midka danbe  waxaa si khaas u isticmaalo shirkaddaha iyo adeegyadda gaar ka markii loo baahdo. sida ay sheegtay shirkadda Microsoft waxaa ugu danbeyn doono soo saaridaan oo Windows 10 ka ah, asagoo dib markasta loo hagaajin doono. 

mac

Marka xigta haddii aan ka hadalno System ka 2aad oo dunida loo isticmaal badan yahay Mac ama Macintosh. Mac waxaa si toos u gadatay shirkadda Apple sanadkii 1984 January. Sidoo kale ma aha Mac mid lacag la’aan ah oo gadashadiisa waa lacag. Balse wey kala duwan yihiin markii loo fiiriyo Windows sababtoo ah waxuu ku jiraa Mac Unix systems kaas.

Mac badanaa waxaa loo isticmaalaa computer radda ay soo saarto Apple balse system ka magaciisa ayaa ah iOS oo numberka nooca uu yahay raacsan. iOS waxaa si toos ugu caan baxday una gaar yahay shirkadda Apple ayadoo ku sameyso qalabyadeeda oo dhan system kaan oo u gooniga ah.

mac-os-x

Waxaana badanaa isticmaalo shaqsiyaadka xoogaa yar u leh qibrad computer, sababtoo ah xoogaa wuu kayara adag yahay faham kiisa markii loo fiiriyo Windows. Inkastoo dunida aanan la dhihi Karin 100% waa amaan sheygaan balse Mac isku haleyntiisa 95% waa amaan, haddii loo fiiriyo virus yadda galo systems ka iyo dhicidda.

linux

Ugu danbeyntii waxaan ka hadleynaa system ka loo yaqaano Linux. Linux waa system lacag la’aan ah, waxaana hormariyo shaqsiyaad badan oo ku kala nool dunidda inteeda kale ayagoo badanaa ka ilaaliyo system ka in la dhaco ama lagu abuuro virus. Linux waxuu leeyahay qeybo aad u fara badan oo gaaraya illaa 400 oo nooc hadeysanba dhaafin.

terminal

Linux sidaan soo sheegayba waxaa hormariyo dadyow fara badan, waxuu awood kuu siinayaa inaad lasoo dagto system kaas aadna ku sameyso dib u hagaajin oo ka dhigato xitaa mid shaqsi aad u leedahay. Linux waxaan dhihi karnaa waxaa badanaa isticmaali karo qof qibrad computer buuxda leh, sababtoo ah intiisa badan waxaa laga isticmaalaa meel loo yaqaano Terminal oo lagu qoro kaliya amaro aad siineyso computer ka inuu kuu qabto.

Linux waxaa loo isticmaalaa 2 siyaabood oo kala ah Desktop User iyo Super User. Desktop User waxuu lamid yahay kaliya mid u isticmaalo system ka sida caadiga ah oo windows oo nolol maalmed kiisa ku qabsado halka uu Super User ka u isticmaalo waxyaabo waaweyn sida dhicidda system yo kale ama shirkaddo kale, sameynta virus yadda iyo wax kastoo Qatar galin kara isticmaalaha caadiga ah. waana kala nooc Desktop User ka iyo Super User ka system yadda ay isticmaalaan.

 

Walaal wixii fikrad ah fadlan igu soo gudbi comment ga ama igala soo xariir barteyda twitter ka aan ku leeyahay @FatuxCade.

Leave a comment