Maxey ku kala duwan yihiin Computer Science iyo Information Technology!!

Inkastoo Computer Science (CS) iyo Information Technology (IT) aysan farqi saaid u dhaxeynin, haddna waxaa Jiro inyaroo farqi ah oo u dhaxeeyo waajibna ay tahay in lakala fahmo.

Information Technology

markaan ka hadleyno ku shaqeynta IT da waxaa muhim ah inuu garanayo shaqaalaha sida loo install gareeyo system ka, sida loo habeeyo iyo sida loo maintain gareeyo system gaas iyo inuu garan karo sida loo nashqadeeyo network ga iyo database ka.

Ardeyga dhiganayo IT waxaa waajib ah inuu soo dhigto Networking, System Administration iyo Database Design sidoo kalena oo xirfad ka heysto Critical Thinking, sababtoo ah waxaa loo baahan yahay ruux analyze gareen garo dhibaatada system ka Meesha uu ka Jiro.

Shaqooyinka u banaan ardeyga IT da ah;

  1. Information Security analyst
  2. Network Architect
  3. Database Administrator
  4. System Administrator iyo in kasii badan.

Intaan waxaan usoo qaatay dalka ayaa laga heli karaa. Waxaa Jiro shaqooyin oo dalka hooyo yaalin balse dunida inteeda kale lagu shaqeeyo.

Computer Science

Computer Scientist badanaa waxey xooga saaraan application nada u baahan xisaabaadka(Computational Applications). Waxey si toos u fahmayaan “sababta” uu computer ka program kiisa uu sidaan ugu shaqeenayaa. Ayagoo isticmaalayo algorithms iyo advanced mathematics waxey soo saaraan qaab lagu gudbin karo xogta. Markii aan ka hadleyno CS guud ahaan waxey quseesaa Software, Operating System OS iyo implementation oo ah in la qoro code si loo soo saaro software ka.

CS ardada dhigata waxey baran doonaan asaaska programming languages ka, linear iyo discrete mathematics, iyo software design and development. CS waxaa waaye guud ahaan barashada computerka naftirkiisa :).

Shaqooyinka u banaan ardeyga CS ka ah;

  1. Application Software Developer
  2. System Engineer / Software Engineer iyo
  3. Web Developer

sidoo kale Intaan waxaan usoo qaatay dalka ayaa laga heli karaa. Waxaa Jiro shaqooyin oo dalka hooyo yaalin balse dunida inteeda kale lagu shaqeeyo oo quseeyo CS.

Walaal waad ku mahadsan tahay booqashadaada iyo aqrintaada. Wax fikrad hadaad qabto fadlan comments ka ila wadaag sida ugu dhaqsiyaha badan ayaad ku heli doontaa jawaab hadduu EEBE idmo.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s