Waa maxay Internet of Things(IoT)!!

Internet of Things ama IoT waa qalabyo isku xiran ama muuqaal ahaan iskugu xiran ama network ahaan. Waxey xogta gu gudbiyaan Network ga dhaxdiisa, Waxeyna diri karaan ayadoo loo baahneyn bani aadam iyo bani aadam kale, ama bani aadam iyo computer. Micnaheedu ay tahay waa qalab aad u caqli badan asagana is diri kara.

IoT waxaa waaye qalab kasta uu kasameeyay bani aadam ama robot oo leh IP address sidoo kalena ku gudbin kara xogta Network ga gudahiisa. Waxey noqon karaan Kabaha qalab yar lagu xiro oo kuu sheegi doono inta aad socotay ama inta aad gubtay xeerta ama waxey noqon karaan taayeerka baabuurka in lagu xiro kuuna sheegi doono cadaadis ka lagu hayo iyo inuu banjari doono.

Protocols ka uu isticmaalo IoT waxaa ka mid ah; RFID, NFC, Low-energy Bluetooth, Low-energy Wireless, Low-energy Radio Protocol, LTE-A iyo Wifi-direct. Intaanba waa system ka uu ku shaqeeyo IoT mid kastana shaqo u gaar ah ayuu leeyahay.

Sidee u shaqeysaa IoT?

Sidaan horay usoo sheegnay waa qalabyo aad u caqli badan (Smart Devices) oo ku shaqeeyo processors lagu kalsoon yahay, dareemo, iyo Hardware oo awood u leh wada xariir. Waxeyna shaqadooda tahay iney soo aruuriyaan xogta kadibna ay diraan ayagoo ka war bixinaayo xogta ay heleen.

Maxey faaido leedahay IoT?

  • Waxey hormariyaan qofka, asagoo u adeegsanayo maalma nololeedkiisa.
  • Waxey soo koobaan waqtiga iyo lacagta.
  • Waxey kor u qaadaan soo saaridda company ga sidoo kalena
  • Waxaa loo isticmaalaa in lagu sii hormariyo ganacsiga.

 

2 thoughts on “Waa maxay Internet of Things(IoT)!!

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s