U guurida dhanka teknooloojiyadda.

Haddaan ka hadalno wadankeena Soomaaliya Technology yadda sidey kusoo gaartay iyo goorti ay soo gaartay iyo xilliga maanta aan taaganahnay heerka aan ka mareeno technology yadda waa wax aad u wayn oo la taaban karo.

  1. Waxey nasoo gaartay technology yadda xilligii Gumeystaha waxeyna aheyd mid quseeso dhanka isgaarsiinta waxaana loo yaqaanay Telegraph ama Telegram. Waxuu ku tiirsanaa in fariin-qoraal la isku diro ayadoo la isticmaalaayo koronto sahleysa iney gudbiso xogta. Waxeyna Soomaalideena u taqaanay xilligaas (Dhiidhaa).
  2. Waxaa nasoo gaaray ku dhawaad ka xilligii 1940 yaddii aallad loo yaqaanay Taar  taasoo ka saacidi jirtay soomaalida iney isku maqlaan xogna kala qaataan ayagoo kala jooga meelo kala fog fog, waxeyna soomaaida u taqaanay (Halow-Halow).
  3. Agagaarki 1970 dii waxaa si toos u hergalay in shacabka uu gashto guryahooda teleefano leen leen (line land) ah.
  4. Sidoo kale 1997 waxaa timid shirkadda Barakaad oo bilowday  si qaab casri ah iney u galiso guryaha teleefanada dhulka.
  5. Ugu danbeyntii taariikhda maanta waxaan mareynaa 2018 heer qof walba uu heesto teleefan u gaar ah, inaan isticmaalno baraha bulshada aan isku dhaafsanno xog muddo ka yar il-libiqsi iyo inuu lahaado shacabka badankiisa computer oo danahiisa gaarka ku qabsado ayadoo lasocdaan awoodo dheeraad ah computer kooda.

Talo

Maanta waxaan taaganahnay meel fiican oo kasii anbaqaadi karno, waxaa nala gudboon inaan u sameyno shacabkeena wacyi galin ku aadan dhanka teknooloojiyadda, waa inaan ku baraarugno ka shacab ahaan iney wali wax nooga harsan tahay barashada cilmmiga teknooloojida ayadoo dunida usii guureyso dhankaas iyo tech.

-Fatuux Cade

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s