Shirkadda Google oo ku hagi doonto dhanka arimaha sirtaada oo online ka la xariira.

Google oo soo saartay hab fudud oo la xariira xaqiijinta amniga isticmaalaha adeegyada ay bixiso shirkadda. Waxey ka bilaabaneysaa ka fogaanshaha dhibaatooyinka la xariira Cybersecurity, oo ay kaa rabto inaad shido doorashada JavaScript oo kow aheyd mid ikhtiyaari ah balse hadda ay ka dhigtay mid waajib ah. kadib waxey kaa dalban doontaa inaad iska tirtirto application qaar ay u maleyso iney qatar ku yihiin account kaaga iyo qalabkaaga, sidoo kale waxey ku dhihi doontaa tirtir qalabyada(Devices) ka aadan isticmaalin ama ad ka shakisan tahay in laga maamulo account kaaga.

Qeyb ka mid ah cusbooneysiinta Google dhanka security ga waxey ku dartay qeyb kuu sheegi doonta markii aad la wadaagi doonto xogtaada gacan sadexaad (Third-party), sidoo kale hadey ka shakiso in la dhacay account kaaga waxey si dhaqsi fariin ugu soo direysaa E-mail ka ama Tell ka aad ka dhigatay Recovery  in wax laguugu ogeysiiyo.

waxaad u baahnaan doontaa inaad hubiso account kaaga adigoo siinaayo Tell ama E-mail oo lagaga soo xariiro aadna ka xiran karto haddii ay dhacdo in la dhaco account gaaga, sidoo kale waxey ku marin doontaa talaabada ugu danbeysay oo ah inaad hubsato account kaaga dhaqaale oo Google pay in la dhacay ama wali uu nabad qabo waa haddii aad leedahay.

-Fatuux Cade @fatuxcade.

Leave a comment