IBM oo la wareegtay Red Hat qiima gaareysa $33.4 Billion.

Hishiis weyn oo ka dhacay caalamka Teknoolojiyadda, shirkadda IBM waxey shaacisay mar dhow iney la wareegtay shirkadda kale Red Hat oo loogu bartay iney bixiso adeegyada furan oona lacagta aheyn(Open Source) taasoo ku tiirsan adeegyada daruuraha(Cloud Service) lacag gaareysa illaa $33.4B.

Waxaa lagu tiriyaa Red Had mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn oo bixiya adeegyada furan iyo adeegyada daruuraha, waxeyna siisaa ganacsatada iyo shirkadaha kale oo waaweyn. Waxuu ku tiirsan yahay adeegyada ay bixiso servers ka Linux.

Waxey ka shaqeeneysaa shirkadda IBM iney soo gasho suuqyada adeegyada daruuraha ayadoo la tartameyso AMAZON, GOOGLE iyo MICROSOFT oo dhawaan la shirkowday ADOBE iyo SAP si ay u hormariso adeegyada daruuraha(Cloud Service). Waxey noqoneysaa hishiiskaan midkii ugu weynaa ebid oo lala galo mid ka mid ah shirkadaha bixiya adeegyada furan(Open Source).

-Fatuux Cade

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s